Siyaasiyiin ku eedeeyey maamulka Puntland inuu maaganyahay muddo korodhsi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Siyaasiyiin ku eedeeyey maamulka Puntland inuu maaganyahay muddo korodhsi

Siyaasiyiin ku bahoobay urur ay u bixiyeen Puntland Focus Group ayaa madaxda maamul goboleedka Puntland ku eedeeyey in aanay waxba ka qaban arimaha ay ka midka yihiin nabad gelyada iyo arimaha dastuurka, sidoo kalena waxay ku eedeeyeen madaxdaasi in ay maagan yihiin mudo korodhsi.

Ururkaasi ayaa soo saaray baaq ka kooban qodobo dhawr ah, hadaba af-hayeenka ururkaas oo la yidhaa Ciise Maxamuud Faarax (Dhoollowaa) ayaa Cabdirisaaq Xaaji Catoosh uga waramay faahfaahinta baaqa ay soo saareen iyo ujeedada ururkoodaba.