Waraysi: Nin Hangoolkiisa qareen u qabtay!

Waraysi: Nin Hangoolkiisa qareen u qabtay!

Marka ummadda aad ka dhalatay agabka hiddaha u ah ee sii dabar go'aya aad is tidhaa ilaale ee mid keliya aad ku mitiddo, ma sahlana inaad si fudud u kala furataan. Dareenkaa waxa qaba Ismaaciil Ciise Ibraahin oo ku nool magaalada Jigjiga ee dalka Ethiopia oo hangoolka iyo isagu isku sidkanaayeen muddo labaatan sano iyo dheeraad ah.

Hangoolku waa ul manaafacaad badan u leh nolosha miyiga ee Soomaalida oo hawlo badan oon la koobi karin lagu qabsado. Waxa kale oo hangoolku noqdaa ul faro laab ahaan loo adeegsado. Arimaha hadaba la yaabka leh waxa ka mid ah dhegaystayaal in Hangool uu qareen u dooda hangoolkiisa u qabtay oo uu booliska Jigjiga oo mar ka tuuray kula garramay. Weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam iyo hangool ayey sheekadani dhex martay.