Trump: Dagaalka ganacsiga waa mid wanaagsan

.
Image caption Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa waxaa uu sheegay in '' dagaalka ku saleysan ganacsiga uu yahay mid wanaagsan''. Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo buuq uu ka taagan yahay go'aanka uu ku doonayo inuu canshuur kusoo rogo macdanta Naxaasta iyo qallinka ee la geeyo Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in Mareykanka ay balaayiin doolar kaga luntay ganacsiga, Mareykanka na uu u arko dagaalka ganacsiga mid uu ku guuleysan karo.

Trump ayaa maalintii khamiista sheegay in macdanta naxaasta ee la geeyo Mareykanka lagu soo rogi doono canshuur dhan boqolkiiba 25, halka macdanta qalinkana lagu soo rogayo boqolkiiba 10.

Dalka Canada iyo wadamada Yurub ayaa sheegay in iyaguna ay ku dhawaaqi doonaan talaabada xigta, sidoo kale dalalka Mexico, Shiinaha iyo Brazil ayaa iyaguna sheegay inay ka fiirsanayaan talaabada ay kaga jawaabaan go'aanka madaxweyne Trump.

Dadka saluugsan go'aankan ayaa sheegay in lacagahani lagu soo rogayo macdanta la geeya Mareykanka ay wax yeeleyn doonto shaqooyinka qaar kamid ah shacabka Mareykanka, waxaana ugu dambeyn ay sheegeen in tallaabadan ay qiimo koror ku keeni doonto macaamiisha.

Trump ayaa waxaa kale oo uu sheegay in aysan oggolaan doonin in shirkadaha iyo shaqaalaha Mareykanka mar dambe lagu daneysto.

Mareykanka ayaa in ka badan boqol wadan oo caalamka kasoo dhoofsada Naxaasta.

Mowduucyada la xiriira