Shir looga arrinsanayo xaaladda bani'aadanimo ee Soomaaliya oo ka furmaya London
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir looga arrinsanayo xaaladda bani'aadanimo ee Soomaaliya oo ka furmaya London

Waxaa magaalada london ka furmaya kullan looga arrinsanayo xaaladda bani'aadanimo ee Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya diblomaasiyiin ka socda dowladaha kala geddisan, deeq bixiyeyaasha, Qaramada Midoobey iyo wafud kale.

Hey'adda samafalka ayaa waxa ay sheegayaan in inkastoo sanadkii hore laga baaqsaday in dalka ay ka dhacdo macaluul, haddana 5.4 milyan oo qof ayaa iminka u baahan gargaar bani'aadanimo.

Hay'adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Norway ee Norwegian Refugee Council ayaa sheegtay in gargaarka oo yaraada ay sababi karto in Soomaaliya ay dib ugu noiqoto xaalad bani'aadanimo oo ba'an.

Sayid Cali Cabdi oo ah madaxa hey'addaasi ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa ujeedada shirkan uga waramay iyaha BBC-da Xasan Cali Geele.

Mowduucyada la xiriira