Maxaa xiligan kusoo beegay booqaashada Rex Tellerson ee Afrika?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa xiligan kusoo beegay booqaashada Rex Tellerson ee Afrika?

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson oo booqasho dhowr maalmood ah ku mari doono qaar kamid ah dalalka qaarada Afrika ayaa cambaareeyay iskaashiga dhaqaale ee Shiinaha uu la leeyahay Afrika, isagoo an sheegay in taasi ay sii dhiiragelineyso isku tashi la'aanta.

Tillerson ayaa sidoo kale sheegay in maalgashiga Shiinaha ay suurtagal tahay mid muhiim u ah kaabayaaasha dhaqaale ee Afrika, balse qaabka loo wajahay ay keentay buu yiri deymo fara badan oo lagu yeeshay wadamada Afrika iyo fursdao shaqo oo aan sidaasi u badneyn.

Haddabo booqashada Tellerson iyo waxa xiligan kusoo beegay aya weriyaha BBC-da Bashir Maaxmed Caato waxaa uu ka waresytay Maxamed Caalin oo ka faalooda siyaasadda arrimaha dibadda ee Afrika.

Mowduucyada la xiriira