Xoghayaha arrimmaha dibadda ee Mareykanka oo gaaray Itoobiya

. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xoghayaha arrimmaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson

Xoghayaha arrimmaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson, ayaa gaaray caasimmadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa, halkaa oo uu kula kulmayo madaxad dalkaasi.

Rex Tillerson oo booqashadiisi ugu horeesay ku maraya qaar kamid ah dalalka qaarada Afrika ayaa sidookale la filayaa in dalalkaasi uu kala hadlo xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.

Booqashada xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa imaaneyos xilli qalalaaso siyaasadeed uu ka taaganyahay dalka Itoobiya, kadib markii mucaaradka dalkaasi ay dhigeen banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda, taasi oo horseeday iscasilaadda ra'iisul wasaare Hailemariam Desalegn.

Mr Tillerson ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu booqdo dalalka Kenya, Jabuuti, Chad iyo Nigeria.

Khudbad uu jeediyay kahor booqashadiisa gobolka ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu salluugsanyahay iskaashiga dhaqaale ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika, waxaana uu intaa ku daray in taasi keeneyso isku filnaansho la 'aan iyo musuqmaasuq.