Gudiga dorashooyinka Soomaaliya oo kulamo wadatashi la qaadanaya qurba-joogta Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gudiga doorashooyinka Soomaaliya oo kulamo wadatashi la qaadanaya qurba-joogta Soomaalida

Xubno ka mida Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Mineapolis ee dalka Mareykanka, kuwaa oo wadatashiyo iyo kulamo ku saabsan doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan sannadka 2020-ka la yEelanayo Soomaalida ku dhaqan dalalka Mareykanka iyo Canada.

Xubna kale oo ka tirsan isla gudigan ayaa iyaguna kulamo ku qabanaya magaalooyin ku yaala wadamada Yurub.

Xaliimo Ismaaiil Ibraahim oo ah gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa haddaba kulamada ay la yeelanayaan qurba joogta Soomaalida uga warrantay weriyaha BBC-da ee Mareykanka Maxamed Xaaji Xussen Shiine.

Mowduucyada la xiriira