Dadka reer Jigjiga maxay ka yidhaahdeen doorashada Abiy Ahmed?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka reer Jigjiga maxay ka yidhaahdeen doorashada Abiy Ahmed?

Isbahaysiga haya talada Ethiopia ayaa doortay hogaamiye cusub oo ka dhashay qoomiyadda Oromo ee dalkaas, oo ku dhawaad muddo saddex sanadooda ahaa dadka ugu badan ee waday mudaharaadyo dawladda lagaga soo horjeedo.

Abiy Ahmed ayaa helay in ka badan 60% codadkii la dhiibtay, sida ay faafisay warbaahinta dawladda xidhiidhka la lihi.

Doorashadaasi waxay dhabbaha u xaadhaysaa sidii uu xilka ra'isal wasaarenimo ugala wareegi lahaa Hailemariam Desalegn oo bishii hore is casilay. Waxaana dalka lagu soo rogay xaalad degdeg ah maalintii ka dambaysay markii uu is casilay.

Hadaba qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo aragtidooda ka dhiibtay arintan.

Mowduucyada la xiriira