Meydka haweeney shaqaale ah oo laga helay faranjeer

Haweeney la dhalatay Ms Demafelis oo u barooraneysa geerida walaasheed. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Haweeney la dhalatay Ms Demafelis oo u barooraneysa geerida walaasheed.

Meydka haweyneyda Joanna Demafelis ayaa laga helay gudaha faranjeer. Waxaana lagu arkay guri laga guuray oo faranjeerku yaalay in ka badan sanad kaddib markii la dilay.

Maxkamad ku taalla waddanka Kuwait ayaa lagu soo waramayaa inay xukun dil ah ku riday lammaani kasoo kala jeeda dalalka Lubnaan iyo Suuriya x kaddib markii lala xiriiriyay fal dambiyeed dil ah oo ay u geysteen haweeneyda shaqaalaha ahayd oo u dhalatay dalka Philipine.

Dilka haweeneydan ayaa sababay in si weyn ay uga caroodaan dadka Pjilipine iyo xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex dhalatay Kuwait iyo Philippine.

Lammaanayasha fal dambiyeedka geystay ayaa u kala dhashay dalalka Lubnaan iyo Suriya waxaana lagu xukumay inay dileen Joanna Demafelis oo ka shaqeyneysay gurigooda.

Dhacdadaan oo si weyn uga careysiisay dadka Philippine, ayaa sababtay sidoo kale in xayiraad lagu soo rogo haweenka u dhashay Filipinos ee shaqooyinka ugu safri jiray Kuwait.

Ninka iyo haweeneyda lamaanaha ahaa ee dilay shaqaalaha Philipine ayaa lagu xiray gudaha waddanka Suriya.

Waxaana lagu wareejiyay saraakiisha dalka Lubnaan, kuwasi oo lasoo sheegayo inay haatan ka fakarayaan codsi Kuwait ay ku dalbaneyso in loogu soo gacan galiyo.