Shirka dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland

Shirka dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland

Shir loogaga hadlayay dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha deegaanada Puntland ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Garoowe.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen hay'adaha maxaliga ah ee maamulka Puntland, madax ka socotay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo hay'adaha caalamiga ah ayaa waxaa la iskula wadaagay baahiyaha ay tahay in wax laga qabto.

Haddaba si aannu faafaahin dheeraad ah uga helno shirkaasi ayaa waxaannu wareysannay Agaasimaha Guud ee wasaarada Howlaha Guud ee Puntland Cabdulqaadir Sheekh Maxamuud, oo u warramay weriye Axmed Cawil oo Garowe jooga.