Sanad guuradi 50 Martin Luther King oo si weyn looga xusayo Mareykanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sanad guuradi 50 Martin Luther King oo si weyn looga xusayo Mareykanka

Konton sanadood ka hor todobaadkan oo kale, ayaa hogaamiyihii u doodi jiray xuquuqda madaniga ah Martin Luther King Jr waxa lagu toogtay oo lagu dilay magaalada Memphis ee gobolka Tennessee.

Waxaa ka dhacaya dalka Maraykanka oo dhan xus loo dhigayo oo lagu muunaynayo wax qabadkiisii.

Lorraine Motel oo ah halkii lagu toogay oo haattana uu ka dhisanyahay matxafka xuquuqda madaniga ahi, ayaa waxa ka bilaabmaya xus laga jeedin doono khudbado ku saabsan halgalkii loo soo maray sinnaanta iyo sida uu haatan u socdo labadaba.

Hadba qaar ka mid ah Soomaalida Maraykanka ku nool ayaa Weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen, Shiine wax ka waydiiyey maalintan iyo taariikhda Martin Luther.