Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma, oo maanta maxkmad la hor keenayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma oo maanta maxkamad la hor keenayo

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa maanta la hor keenayaa maxkamad oo waxaa lagu soo oogayaa dacwado badan oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq, maydhaan lacageed iyo inuu kooxaysi. Eedahan lagu soo oogay waxay la xidhiidhaan todoba boqol iyo dheeraad dacwadood oo hore oo la xidhiidha heshiis dalku ku iibsananayey hub oo qiimihiisu ahaa balaayiin Rand oo lacagta Koonfur Afrika ah. Hadaba waxa ay yihiin dawacadahani iyo soo laba kaclayn tooda waxa iiga waramay Axmed Dawlo oo ku degan Koonfur Afrika siyaasadda dalkaasna aad ula socda.