Dowladda Soomaaliya oo dakhligii ugu badnaa saddex bil gudahood uu ugu soo xarooday
Dowladda Soomaaliya oo dakhligii ugu badnaa saddex bil gudahood uu ugu soo xarooday
Dowladda Soomaaliya ayaa seddaxdii bilood ee ugu horeysay sannadkan waxay u soo xarooday dakhli ka badan intii la filayey.
Midowga Yurub oo shaaciyey warkaa ayaa sheegay in dakhligaasi uu yahay kii ugu badnaa ee dhawaanahan dawladda ugu soo xarooda muddo saddex bilood gudahood ah.
Dalalka daynta ku leh Soomaaliya ayaa iyaguna waxay hore u sheegeen in ay qayb ka mid ah 5.3 bilyan oo doolar ee lagu leeyahay laga dayn doono hadii ay qaado talaabooyin lagu hagaajinayo maamulka maaliyadda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Calinuur Salaad ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.