Heshiis Ghana iyo Maraykanku gaadheen oo muran badan dhaliyey

Madaxweyne Akufo-Addo

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Akufo-Addo

Madaxweynaha Ghana, Akufo-Addo, ayaa sheegay in aan xukuumadiisu saldhig milatari siinin, kuna talo jirin in ay siiyo Maraykanka. Waxa se uu yidhi waxa jiray heshiis hore oo dalkiisa iyo Maraykanka ka dhexeeyay oo la cusboonaysiinayo. Madaxweynuhu wuxu ka falcelinayey dhaliil ka timi heshiis muran dhaliyey oo ah iskaashi dhanka gaashaan dhigga ah oo labada dal wada saxeexdeen.

Khudbad uu qaranka uga jeediyey telefishanka, ayaa Madaxweyne Akufo-Addo waxa uu ku cambaareeyey dadka dhaliilay heshiiskaas ee ku sheegeen in uu wiiqayo madaxbanaanida Ghana, waxaanu ku tilmaamay kuwo laba wajiilayaal ah.

Wuxu sheegay in heshiisku xoojinayo kartida gaashaan dhigga ee Ghana isla markaana kaabi doono dadaallada caalamiga ah ee lagu suurto gelinayo nabadda Galbeedka Afrika.

Heshiiska iskaashiga gaashaan dhigga ah ee ay wada saxeexdeen Maraykanku waxa uu Ghana u fasaxayaa in ay marti geliso ciidamo Maraykan ah, hase yeeshee waxay mucaaradku kala horyimaadeen qaadacaad iyo bannaan baxyo ay ka dhigayaan magaalo madaxda.

Heshiiska waxa ka mid ah in ciidamada Maraykanka ahi helaan galaan gal aan xadidnayn oo ay u helaan saldhigyada ciidamada iyo adeegsiga mawjadaha isgaadhsiineed ee dalka iyo cashuur dhaaf loo sameeyo qalabka ay kala soo degaan dekadaha iyo madaarrada dalka.

Dadka reer Ghana qaarkood ayaan la dhacsanayn qodobada heshiiskan, laakiin Madaxweyne Akufo-Addo wuxu sheegay in ay la mid yihiin qodobada ay ku hawl galaan ciidamada Ghana ee ka qayb qaata hawlaha nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Madaxda mucaaradku se waxay leeyihiin madaxweynuhu wuxu ku guul darraystay inuu wax ka bedelo qodobada heshiiska ku jira ee dadka reer Ghana ka walaacsanyihiin.

Heshiiskan iskaashiga gaashaan dhigga ah ee labada dal wada galeen waxa uu ku soo beegmay iyada oo kooxaha jihaad alooska ahi ay xoojiyeen hawl galadooda colaadeed ee ay ka wadaan Galbeedka Afrika. Waana sababta Maraykanku u qorshaynayo inuu kordhiyo fadhiisimada uu ku leeyahay gobolka.