Hogaamiyayaasha Labada kuuriya oo khadka telefoonka ku wada hadli doono

Labada kuuriye oo wadahal u furmi doono Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Labada kuuriye oo wadahal u furmi doono

Ergada ka kala socota labada Kuuriya ayaa ka wada hadlay sidii ay markii ugu horreysay wada hadal toos ah qadka telefoonka ugu yeelan lahaayeen labada hoggaamiye ee dalalkaasi.

Labada dhinac ayaa bishii March isku raacay in qadka telefoonka la hirgeliyo. Maanta ayay ka wada hadleen arrimaha farsamada, sida ka hortagidda in la dhegeysto wada hadallada labada madaxweyne.

Qadka ayaa markii ugu horreysay isku xiri doona xafiisyada madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo dhiggiisa Kuuriyada Koofureed, Moon Jae-in.

Kim iyo Moon ayaa rajeynaya inay telefoonka ku wada hadlaan kahor kulankooda la qorsheeyay inuu bishan dhexdeeda ka dhaco xaafadda ku taalla xadka labada dal ee Panmunjom.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Shiinaha Lu Kang, ayaa soo dhaweeyey wadahadalka u dhexeeyo labada Kuuriya, wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in wadaxajoodka uu sii socon doono, lana hirgelin doono nabad waarta.

Wadahadalka dhex mari doona labada Kuuriya ayaa noqonaya tallaabadii ugu dambaysay tan iyo bilowgii sanadka, iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay ka qayb qaadatay ciyaaraha Olimbikada ee qaboobaha.

Mowduucyada la xiriira