Daadad saameeyay isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka Mandera
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daadad saameeyay isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka Mandera

Waxaa maalmihii la soo dhaafay kala go'naa isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Mandheera.

Magaalada oo uu bartamaha ka maro tog weyn ayaa la sheegayaa in toggaasi uu karkaaraha jabsaday, taas oo saameyn ku yeelatay isu socodka labada dhinac.

Sidoo kalana waxaa la sheegayaa in daadadkaasi la tageen carruur yar oo qaarkood weli la la'yahay.

Haddaba BBC-da ayaa la hadashay qaar ka mid ah dadka magaalada Mandheerra oo codsasday in ahmiyadda marka hore la siiyo sidii loo dhisi lahaa Buundo isku xirta magaalada.

Mowduucyada la xiriira