Shan arrimood oo ku saabsan Saalax Cabdisalaam

Abdeslam ayaa la qabtay ka dib markii muddo 4 bilood ah uu baxsad ku jiray Lahaanshaha sawirka .
Image caption Abdeslam ayaa la qabtay ka dib markii muddo 4 bilood ah uu baxsad ku jiray

Waxaa uu ahaa tuhmanihii badbaaday 13-kii bishii Nofembar sannadkii 2015 markii uu dhacay weerarkii Paris oo ay ku dhinteen 130 qof ,waxaana la xiray 20 sanno oo xarig ah oo uu ku muteystay weerar ka dhacay Belgium afar billood kaddib.

Halka ka ogaw shan arrimood oo ku salaysan 28 sanno jirka Salaax Cabdisalam oo lagu eedeeyay inuu kaalin wayn ka qaatay weerarkii dhiigga ku daatay ee ka dhacay qaaradda Yurub.

1.Afar billood gudahood

Saddex ka mid ah booliska Belgium iyo mid Faransiis ah ayaa dhaawacmay kaddib markii dablay hubaysan ay xabbado ku fureen xilli ciidammada ay howlgal ka wadeen degmo ku taallo dalka Belgium 15-kii Bishii Marso sannadkii 2016.

Cabdesalaam wuxuu dhuumaalaysi ku jiray afar billood illa xilligii uu dhacay weerarkii Paris.

Waxaa uuna ahaa ninka loogu raadinta badan yahay qaaradda Yurub.

Lahaanshaha sawirka -
Image caption Cabdisalaam ayaa la xiray afar billood oo la ugaarsanaayay

Muxammad Belqayd oo u dhashay dalka Aljeeriya iyo Sofien Ayari oo isna u dhashay dalka Tuuniisiya ayaa lagu qabtay degmada Molonbeek oo ka tirsan magaalada Brussels, kuna dhaw guriga Cabdisalaam.

Booliska ayaa dhaawacay Cabdisalaam halka labada kalena ay si nabddoon ku baxsadeen.

Sofien Ayari iyo Cabdesalam ayaa lagu soo oogay isku day dil ah islamarkaasna lagu xukumay 20 sanno oo xarig ah.

2.Cabdisalaam: waxaa uu qorsheynaayay weerarro kale

Afar maalmood ka hor inta aan la qabanin, Saddex qof oo isa soo miidaamiyay ayaa 32 qof ku dilay magaalada Brussels halka 340 qof kalenna ay dhaawaceen 22-kii bishii Marso.

Garsoorayaasha dalka Belgium waxay rumaysan yihiin in Cabdisalaam uu xiriir la leeyahay kooxo kale balse aysan jirin wax caddeymo ah oo laga soo gudbiyay.

Waxaa la sheegay in Cabdisalaam uu kamid ahaa koox qorsheynaysay weerar sannadkii 2016, maalmo uun kaddib markii la qabtay oo la horkeenay maxkamadda.

Qareenkii difaacayay Cabdisalaam ayaa diiday in kooxdiisa aysan wax macluumad ka haynin weerarkii Brussels.

3.Weerarkii Paris ayuu ka badbaaday

Sida laga soo xigtay warbixin kasoo baxday booliska, ayaa la sheegay inuu saddex saacadood uu baabur ku waday kooxdii weerarka gaysatay.

Waxay baaraayasha sheegeen inuu qorsheynayay inuu isku qarxiyo afaafka hore xarunta Stade De France balse uu maskaxdiisa baddalay.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Emmanuel Macron oo la joogo qaar kamid ah eheladii ay dhibaatada kasoo gaartay weerarka xilli uu qaybgalaayay sannad-guuradii labaad ee weerarkii Paris

4.Inta badan hadalka ma jeclo

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maxkamadda Brussels

Saalax Cadbisalaam inta badan lama hadlaynin Barayaasha Faransiiska islamarkaasana hal mar oo kaliya ah ayuu kasoo hormuuqan jiray maxmakadda isagoo diidayo inuu ka jawaabo su'aalaha maxkamadda.

Saalax Cabdisalaam waxaa uu sido kale sheegay inuusan ka baqanaynin maxkamadda balse uu talla saartay Rabbi.

Waa uu diidana ka jawaabista su'aalaha xilli kasta illa laga gaaro bishii Marso ee sannadkani kaddib markii uu difaacayay qof baabuur siiyay maalin ka hor weerarkii Paris.

5.Ma jeclo inuu dib ugu laabto Belgium

Cabdisalaam waxaa uu jeclaa in dhagaysiga dacwadda uu ku dhamaysto dalka Faransiiska intii uu aadi lahaa dalka Belgium.

Ma uusan aadin maagalada Brussels si loo dhagaysto 88 bog ee dacwaddiisa.

Ka hor dacwadda,Cabdisalaam ayaa loo qaaday xabsi si wayn ammankiisa loo adkeeyay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ammaanka maxkamadda Brussels oo si wayn loo adkeeyay