Carruurta ka yar 16 ee ku nool Yurub oo laga mamnuucayo isticmaalka WhatsApp

. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Adeega caanka ah ee fariimaha la isugu diro ee Whats-App ayaa ka mamnuucaya isticmaalka aaladaasi carruurta ay da'doodu ka yartahay 16 sano ee ku nool Yurub.

Guud ahaan Yurub, waxaa hadda loo oggol yahay inay isticmaalaan WhatsApp carruurta ay da'doodu ka weyn tahay 13 sano, balse shirkadda ayay u muuqataa inay ka hor dhacayso dhaqan gelinta sharciga cusub ee internetka Yurub oo billabmaya bisha May.

WhatsApp oo ka mid ah aaladaha shirkadda Facebook ayaa ka codsan doono dadka isticmaalo ee ku nool Yurub inay xaqiijiyaan da'dooda marka ay is diiwan gelinayaan toddobaadyada soo socda.

Sharciga internetka ee Yurub ayaa dhaqan galaya 25 bisha May wuxuuna dadka isticmaalo xoriyad u siin doonaa inay go'aan ka gaaraan sida shirkadaha bixiya adeegyada internetka ay u isticmaali karaan xogtooda gaarka ah.

Xoriyaddaasi waxaa kamid ah in dadka ay awood u yeelan karaan inay iska tiraan macluumaadka aysan jeclaysanin.

Sharciga internetka ee Midowga Yurub waxaa uu leeyahay qodobo gaar oo ka difaacayo carruurta in macluumaadkooda loo adeegsado xayaysiin.

Shirkadda WhatsApp waxay waddaa dadaallo ay wax kaga baddelayso adeegeeda islamarkaasna ay sare ugu qaadeyso hufnaanta.

Si kastaba, Shirkadda WhatsApp ayaa qorshaynaysa in carruurta ka weyn 13 sano ay isticmaali karaan adeegeeda dunida inteeda kale.

Inta badan baraha bulshada sida Snapchat, YouTube, Instagram, Pinterest iyo Twitter ayaa iyagana cadaadis lagu saarayaa inay qaataan go'aan la mid ah kan shrikadda WhatsApp.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan