Mareykanka oo sheegay in muhaajiriinta sharci darida laga la noqon doona caruurta

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Muhaajiriinta shari darrada ku soo galo Mareykanka oo carruurta laga qaadanayo

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka, Jeff Sessions ayaa waxaa uu sheegay in waalidiinta wata caruurta ee sida sharci darrida ku soo gala Mareykanka laga qaadan dooono caruurtooda.

Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay booqasho uu ku tegay xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico ayaa waxaa kale oo uu sheegay in qofwalba oo dalka Mareykanka si sharci daro ah kusoo galo, la maxkamadeyn doono, isla markaana caruurta ay dhaleen la geyn doono goob lagu xanaaneeyo.

Maxkamadeynta dadka sharci darida ku yimaada Mareykanka ayaa qeyb ka ah dedaalada madaxweyne Trump uu ku doonayo in lagu joojiyo qulqulka muhaajirinta ee imanaya Mareykanka.

Horaantii bishii hore ee Abriil, xeer ilaaliyaha Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisa uusan wax dulqaad ah u heynin dadka sida sharci darida kusoo gala Mareykanka.

Mowduucyada la xiriira