Shuruudaha Abaalmarinta Gabayga Da'yarta sannadka 2018 ee BBC Soomaali

Gabayaa Deeqa Nuux Yoonis

Laanta afka Soomaaliga ee BBC waxay raadinaysaa gabdha ugu gabay wanaagsan Soomaalida sannadka 2018ka, halkan ka akhriso shuruudaha.

1. Abaalmarintan waxey u furan tahay dhammaan dumarka ku hadla Afka Soomaaliga ee da'doodu u dhaxeyso 16 ilaa iyo 35 sano jir, (laga bilaabo 21-ka May ilaa iyo 15-ka Juunyo, 2018-ka).

2. Dadka ka qeyb qalaya tartankan waa in aaney kamid ahayn shaqaalaha BBC-da, shirkadaha xiriirka la leh hey'adda, ama qaraabadooda dhaw. Waxaa laga yaabaa in lagaa codsado cadeyn la xiriirta da'daada, aqoonsiga iyo buuxinta shuruudaha lagama maarmaanka ah.

3. Ka qeyb galayaasha tartanka waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan gabay. Gabaygu waa inuusan ka badan 15 sadar, akhrintiisana isku celi celis ahaan waa inuusan ka badanin hal daqiiqo.

4. Tartanka wuxuu furmayaa Isniin21 May saacada marka ay tahay 11 GMT. Dhammaan ka qeybgalayaasha waa inay soo diraan gabayadooda, foomka codsiga oo la buuxiyay, kaas oo laga heli karo barta BBC-da http://www.bbc.com/somali, amaba codsiga lagu hagaajiyaa emaylka-ka: tartanka.gabayga@bbc.co.uk.

Dhammaan codsiyadu waa in ay wehliyaan gabayga, iyo faah faahin ku saabsan: magaca, sannadka dhalashada iyo deegaanka aad ku sugan tahay.

5. Lama oggola in dalabka lagu soo gudbiyo qaab aan ahayn kan kor ku xisan

Xogta kale ee shaqsiga sida goobta uu joogo qofka looma gudbin doono cid kale oo aan BBC ahayn. Hadii aad doonaysid inaad ka laabatid ka qeybgalka abaalmarinta ama aad dooneysid in BBC-du tirtirito warbixintaada shakhsiga ah, fadlan la xiriir lynn.kariuki@bbc.co.uk. Faahfaahin dheeri ah ee ku saabsan hannaanka BBC-da ee ilaalinta xogta shakhsiga waxaad kaga bogan kartaa barta: bbc.co.uk/usingthebbc/privacy

6. Ka qeybgalayaasha waa inay codsiyadooda ugu dambeyn soo gudbiyaan saacaddu marka ay tahay 23:59 GMT maalinta Khamiista ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 15-ka June, 2018-ka.

Codsiyada lasoo gudbiyo wixii ka danbeeya waqtiga aan soo xusnay lama tixgelin doono. Codsiyada lama soo celin doono, sidaa darteed fadlan xusuusnow inaad la hartid nuqul kamid ah gabaygaaga.

7. Ka qeybgaluhu hal mar oo keliya ayuu codsigiisa soo gudbin karaa, kuwa kale lama qiimeyn doono, oo waxaa laga soo qaadi doonaa waxba kama jiraan. Codsigaada lama tixgelin doono haddii ay da'daadu ka yar tahay 16 sano, ama aad ka weyn tahay 36 sano jir. BBC-du waxay xaq u leedahay inay caddeyn dheeri ah kaa codsato haddii uu shaki yimaado.

8. Waa in gabayadu aysan ahayn wax ku saabsan sharaf dhaawac, meel kadhac/ceebeyn, anshax xumo, xadgudub ama aanay ka koobneyn ereyo aan munaasab ahayn.

9. Gabayadu waa iney noqdaan kuwo munaasab u ah in laga baahiyo BBC-da. Gabayadu waa inay noqdaan kuwo qofka soo gudibinaaya uu leeyahay, si aaney dhicin in la baahiyo gabayo qof kale, taas oo meel ka dhac ku ah xuquuqda hal-abuurka. BBC-du ma aqbali doonto mas'uuliyadda dhibaatada ka dhalata xuquuqda lahaanshaha haddii uu ka qeyb galuhu ka dhaga adeeygo u hoggaan samidda shuruucda, sidoo kale BBC-du mas'uul kama noqon doonto cabasho kasta oo ka timaada cid kale oo la xiriita xadgudub kasta oo ay gaystaan ka qeyb-galayaasha.

10. Gabayada waxaa lagu qiimeyn doonaa shuruudahan soo socda:

  • Tayada luqadda, quruxda, akhrinta, iyo asal ahaanshaha.
  • Ilaalinta xeerarka iyo dhismaha gabayga, marka la eego misaanka iyo qaafiyadda.
  • Xiisaha fariinta la gudbinayo iyo saameynteeda.

11. Gabayada waxaa lagu kala xukmin doonaa hannaankan soo socda:

  • Dhammaan gabayada waxaa dib u eegis ku sameyn doona qof ka tirsan shaqaalaha BBC-da, kaas oo magacyada ka saari doono gabayada, oo iyagoo magac la'aan ah u gudbin doona qof kale oo shaqaale ah, kaas oo oo xuli doono qoraallada buuxiya shuruudaha aasaasiga u ah gabayada (qofkan waxaa uu mari doonaa tababar ah inuusan dhinac u xaglinin)
  • Qoraallada oo magacyada laga saaray ayaa loo gudbin doonaa guddi garsoorayaal ah.
  • Guddiga garsoorayaasha ayaa xuli doona gabayga ugu wanaagsan iyo labada ku xiga.

12. Dadka guuleystay waxaa lasoo xiriiri doona ruux kamid ah hawl wadeenada barnaamijkan Abaalmarinta gabayada ee hablaha da'da yar ee laanta Af Soomaaliga ee BBC, ugu dambeyn Talaadada 11-ka Luulyo, 2018.

13. Abaalmarinta waxey noqoneysaa in hawada laga akhriyo gabayga gabdhaha guuleystay iyo iyo lacag dhan 600 GBP, kaalinta koobaad, 500 GBP kaalinta labaad iyo 400 GBP kaalinta saddexaad.

14. Dadka guuleystay abaal marintooda ayaa lagu wareejin doonaa, ama waxaa loo sii marin doonaa bangiga hadii yasan immaan karin xafladda lagu shaacin doono dadka guuleystay 18-ka July 2018.

15. Ka qeybgalayaashu(ama cidda mas'uulka ka ah hadii uu qofku ka yaryahay 18 sano) waxay u oggolaadeen BBC-da in ay gabygoodu u adeegsato warbixinnada la xiriirta abaalmarinta oo lagu baahin karo baraha ay BBC-da maamusho.

16. Dadka ku guuleysta ma ahan inay ka hadlaan guushooda iyagoon oggolaansho qoraal ah ka haysan BBC-da. Haddii ay ka hadlaan iyagoon oggolaansho haysan waxay horseedi kartaa in lagala noqda abaalmarinta ama dib u eegis lagu sameeyo.

17. BBC-du ma aqbali doonto mas'uuliyadda codsiyada soo daaha ama la waayo iyadoo ay ugu wacantahay hannaaka lagu soo gudbinayo dalabka ee emaylada. Cadeynta gudbinta farriinta ee ay soo saaraan kombiyuutarrada macnaheedu ma a'han in farriinta gaarayso halkii loogu tala galey. BBC-da ma aqbali doonto mas'uuliyadda wax alle iyo wixii cilad farsamo, shaqeyn la'aan ama dhibaato kale ah, taasoo keenta in codsigii lasoo gudbiyey uu lumo ama aan si hagaagsan loo diiwaan gelin.

18. BBC-du waxey xaq u leedahay iney joojiso hab socodka abaal marinta, ama ay wax ka badasho shuruudaha, haddii loo arko iney lagama maarmaan tahay, ama ay soo baxaan duruufo ka baxsan awooddeeda.

19. Codsiga ka qeyb-galayaasha iyo waalidiintooda, hadii loo baahdo, wuxuu muujinayaa inay oggolaadeen inay si sharci ah uga qeyb-qaataan abaalmarintan, oo ayna aqbaleen shuruudahan abaalmarinta.

20. Xeerarkan waxaa lagu dhaqi doonaa shuruucda u dagsan England iyo Wales.

21. Illaa iyo xad, shuruucdan waxey waafaqsan yihiin xeerarka u dagsan tartamada iyo codbixinta BBC-da, taasood halkan ka daalacan kartaan: ttp://www.bbc.co.uk/editorialguidelines/guidelines/appendix2

Mowduucyada la xiriira