Qof ku dhintay roobab dabaylo wata oo Berbera ku dhuftay

Mid ka mida wadooyinka Berbera oo biyo fadhiyaan
Image caption Mid ka mida wadooyinka Berbera oo biyo fadhiyaan

Sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige, roobab dabaylo wata oo ka dhashay duufaankii ku dhuftay xeebaha Badda Cas, ayaa xalay saqdii dhexe ku dhuftay magaalada Berbera.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera xarunta u tahay, Axmed Cismaan Xasan, ayaa BBC-da u sheegay in hal qof ku dhintay guri ku dumay, isla markaana ay ka daadgureeyeen guryahoodii 950 qof oo haatan ku sugan dugisyada xaafadaha Berbera.

Image caption .

Roobab laxaad leh oo daadad ku soo rogay dooxyada ayaa jiidahaasi ka da'aya, waxaana hadda go'an wadada isku xidha Berbera iyo Bullaxaar.

Khasaare kale lama soo sheegin ilaa hadda. Madaxa qaybta saadaasha hawada ee wasaaradda beeraha Somaliland Cabdiqani Yuusuf Cabdi oo uu Axmed Siciid Cige la hadlay ayaa sheegay in roobabkan dabaylaha wataa ay maanta gelinka danbe ku wajahanyihiin deegaanada xeebta ee lughaya ilaa Saylac.

Berbera oo laga furay maktabadii ugu horraysay ee ay yeelato mudo dheer

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Warbixin ku saabsan Kalluunka ee magaalada Berbera