Baadari xertiisa ka dalbaday inay diyaaraad $54 milyan ah u gadaan

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baadari ku sugan dalka Maraykanka ayaa dadka taageera waydiistay inay u gadaan diyaaraddii afraad ee uu si khaas ah u adeegsado.

Jesse Duplantis oo ah baadari uu fadhigiisu yahay Louisiana ayaa muuqaal uu iska duubay ku sheegay in "Illaahay u sheegay in uu gato diyaarad cusub oo nooceedu yahay Falcon 7X", taas oo qiimaheedu dhan yahay 54 milyan oo doolar, si uu dacwada baybalka si wanaagsan dadka ugu gaarsiiyo.

Sannadkii 2015k-ii ayuu Duplantis ka soo muuqday muuqaal baadari kale uu ku sheegaya in ku safridda diyaaradaha ganacsiga ay la mid tahay "tubo dheer oo shayaadiin ka buuxaan oo kale".

Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa arrintaas ku macneeyey mid aan la aamini karin aysanna haboonayn in lacag intaas la la eg loo yabooho baadarigan ,balse ay haboontahay in masaakiinta lagu garab qabto.

Sawir ka dhex muuqday muqaal laga duubay baadariga oo ay la taaganayeen saddex qof oo ka howlgala diyaaradaha ayuu baadariga yiri "muhiimadda ma ahan hantida, ee waa mudnaanta"

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu 12 sano ka hor uu diyaarad iibsaday ,balse aysan hadda ku filnayn maadama uu safari badan u baxo , isagoo sheegay inoo kharash badan ku bixiyo shidaalka.

Mr Duplantis ayaa codsigiisa ku sheegay in Nabi Ciisa uu doonayo " in la faafiyo diinta masiixiga ,marka sideen ku sameyn karaa taas? ma awoodo inan ku safro gaari ama markab ama tareen, balse waxan taasi ku sameyn kara diyaarad oo kaliye".

In baadariyada ay isticmaalan diyaaradaha gaarka ah ayaan ahayn arrin horay loo arki jirin, balse tan uu baadariga ku dalbanaya diyaaradda in loo gado ayaa dhalisay muran badan.

Xigashada Sawirka, TWITTER

Qoraalka sawirka,

Jesse Duplantis