Wararka ciyaaraha tartanka Koobka Adduunka

. Lahaanshaha sawirka PA
Image caption .

Xulka England ayaa guul dirqi ka soo hooyey dhiggiisa Tunisia oo uu uga adkaaday 2-1.

Xulalkan ka wada tirsan kooxda G ayaa u muuqday kuwo barbaro ku kala bixi doona, balse daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu kordhiyay ayaa Englad waxaa si qurxsan gool madaxa ugu dhaliyay Harry Kane.

England iyo Belgium ayaa min saddex dhibcood ku hogaaminaya kooxdaas.

Galabta ilaa caawa saacadda Geeska Afrika waxaa dhici doona kulamo xiisa badan oo ka tirsan koobka adduunka.

Dalka martigelinaya ee Ruushka ayaa la ciyaari doona Masar, waxaana si weyn loo sugayaa inuu kulankaasi Masar u safto Maxamed Salaax oo dhaawac kaga maqnaa ciyaartii furintaanka.

Kulamada kale ee dhacaya ayaa kala ah:

Colombia iyo Japan.

Poland iyo Senegal.

Taageerayaal badan oo Afrikaan ahna waxa ay rajeynayaan in Senegal ay guul kasoo hoyso kulanka, maadaama laga wada badiyay dhammaan dalalka kale ee qaaradda madow matalaya ciyaarhoodii koobaad.

Mowduucyada la xiriira