Maamulka Banaadir oo burburiyay guryo garoon laga dhistay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka Banaadir oo burburiyay guryo garoon laga dhistay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa saaka dumiyay guryo iyo daaro laga dhistay garoonkii naadigii Jeenyo kaddib markii ay dhamaatay digniin muddo seddex maalin ah oo la siiyay dadkii halkaasi dhistay muddadii dawlad la’aanta.

Duqa caasimadda Muqdisho ayaa dhawaan digniin u diray dadka dhistay dhulkii danta guud ee ay dadka shacabka ahi dhisteen isagoo ugu baaqay inay banneeyaan kahor inta aan loogu imaan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa ka waraystay agaasimaha hawlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane hawshii saaka lagu banneeyay garoonka Jeenyo.