Wararka tartanka Koobka Adduunka

. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption .

Xulka qaranka Ruushka ayaa ku guulaystay ciyaartii labaad ee tartanka Koobka Adduunka, taas oo u suurto galinaysa dalkan marti gelinaya tartanku in uu usii dhawaado ka mid noqoshada xulalka usoo baxaya wareegga 16-ka.

Guushii uu saddex iyo halka kaga adkaaday xulka Masar ayaa shacabka ku daawanayey ciyaarta garoonka Saint Petersburg iyo dalka oo dhami aad ugu dabaal degeen.

Ruushka ayaa soo baxaya, halka Masarna ay harayso haddii Sacuudiga uu galabta ka badin waayo Uruguay.

Ciyaartii taa ka horraysay ee ay gorrodda isku dareen Poland iyo Senegal ayaa waxa guushu ku raacday.

Waa xulkii ugu horeeyey ee Afrikaan ah ee badiya ciyaartii koobaad.

Waxaanay dadka reer Afrika oo dhami aad ugu damaashaadeen guushaas oo Senegal ku raacday laba iyo hal.

Galabta ilaa caawana waxaa dhici doona kulamo xiiso leh:

Uruguay vs Saudi Arabia

Portugal vs Morocco

Iran vs Spain