Wararka tartanka kubadda cagta ee Koobka Adduunka

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption .

Dalalka Uruguay iyo Ruushka ayaa noqday labadii kooxood ee u gudba wareegga labaad ee is reebreebka tartanka koobka adduunka.

Uruguay waxay hal iyo eber kaga badisay Sucuudiga waxaana goolkaa u saxeexay Luis Suarez, waxaana haatan sidaa ugu wada gudbeen dalka Martida loo yahay ee Ruushka.

Masar iyo Sucuudiga oo ay isku hormo ahaayeenna sidaas ayay kaga hulleeleen tartanka.

Portugal oo hal iyo eber kaga badiyey Morocco ayaa isaguna hogaanka u haya hurinta B. Goolkaa guushu ku raacdayna waxa u dhaliyey Cirstiano Ronald kaas oo ah goolkii afraad ee uu dhaliyey intii tartankani socday.

Sidaas ayaana Morroco aanay ugu gudbi dooni wareegga labaad ee isreebreebka ah.

Galabtana ilaa caawana waxa gorrodda is dari doona xulalka ka tirsan guruubka C.

Denmark waxa ay la dheeli doontaa Australia

Faransiisku waxa uu qaabili doonnaa Peru,

Waxaase ciyaarta aadka isha loogu hayo dhexmari doontaa Argentina iyo Croatia oo ka wada tirsan guruubka D.