Somaliland: Tirakoobkii shaqaalaha dawladda oo la shaaciyey
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Tirakoobkii shaqaalaha dawladda oo la shaaciyey

Magaalada Hargeysa waxaa ka soo baxday natiijada tirakoob iyo diiwaan gelin socotay muddo lix bilood ah, oo lagu ogaanayay tirada dhabta ah ee shaqaalaha dowladda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland.

Sida uu sheegay guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha dowladda Sharma'arke Axmed Muxumed, tirada shaqaalaha dowladda ayaa hadda ah in ka badan 14 kun oo qof , kuwaasi oo boqolkiiba 75 yihiin rag.

Gudoomiye Sharmaarke Axmed Muxummed wuxuu u waramay weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo ugu horeyn weydiiyay natiijada tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dowlada ee uu ku dhawaaqay?