Maxaa laga fili karaa ninka loo magacaabay xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa laga fili karaa ninka loo magacaabay xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain

Ra'iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa u muuqato inay ka dabaalatay qalqal siyaasadeed oo ku yimid dowladeeda, kadib markii ay si dhaqsi ah usoo magacowday xilka xoghayaha arrimaha dibadda ee dalkaasi oo uu baneeyay Boris Johnson.

Xoghayihii caafimmaadka ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Britain.

Boris Johnson oo xilkaasi horay u hayay ayaa waxaa uu sheegay in uusan la dhacsaneyn qaabka Theresa May ay u wajaheyso ka bixida mdiwoda Yurub.

Haddaba waxa laga fili karo ninkan cusub ee loo soo magacaaba xoghaya arrimaha dibadda ee Britain ayaa Bashiir Maxamed Caato waxaa uu wax ka weydiiyay Maxamed Ibraahim Hareeri oo u dhuun-daloola arrimaha Yurub.