Boqol maalmood kadib maxa laga fili karaa ra'iisul wasaaraha Itoobiya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqol maalmood kadib maxa laga fili karaa ra'iisul wasaaraha Itoobiya

Waxaa boqol maalmood laga joogaa markii barlamaanka dalka Itoobiya ay Dr. Abiy Ahmed u doorteen inuu noqdo raysal wasaaraha dalkaasi.

Xilkaasi ayaa waxaa horay u hayay Hailermaryan Disaglegn oo iska casilay.

Waxaana intii Dr. Abiy Ahmed uu joogay xafiiska dalka Itoobiya ka dhacay isbedelo waaweyn oo dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo xiriirrka Itoobiya ay la leedahay wadamada geeska Afrika.

Haddaba waxa isbedeladan ay u horseedi karaan itoobiya mustaqbalka dhaw ayaa weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato waxa uu wax ka weydiiyay Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo wax ka dhiga jaamacadda Minesota ee dalka Mareykanka.