Hadalo xambaarsan xanaf iyo beelnimo oo warbaahinta la sheego ma dimuqraadiyad baa mise waa nidaamo darro?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hadalo xambaarsan xanaf oo warbaahinta laga sheego ma dimuqraadiyad baa?

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa waxaa la sheegay in muddoyinkii dambe ay kusoo badanayeen dadka siiba madax-dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta ee warbaahinta isla soo taagaya hadaallo xambaarsan xanaf iyo beelnimo.

Haddaba arrintan ma dimuqraadiyad baa mise waa nidaamo darro?

Doodan gaaban oo arrintaasi ku saabsan ayaa weriyaha BBC-da ee Hargeisa Axmed Saciid Cige waxaa uu dhex dhigay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed {Cabdiraxman Xoog} iyo Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige {balaaki} oo labaduba ka tirsan baarllamaanka Somaliland. Waxaa ku hormaraya xildhibaan Xoog