Gaadiidleyda magaalada Garowe oo ka cabanaya shiidaal wasakheysan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gaadiidleyda magaalada Garowe oo ka cabanaya shiidaal wasakheysan

Qaar kamid ah gaadiidka deeganaada Puntland ayaa la sheegayaa inay cillad soo wajahday, kadib markii qaar kamid ah mulkiilayaasha baaburtaasi ay shegeen in shidaal wasaqeysan uu soo galay degaanada Puntland.

Garaashyada lagu hagaajiya gawaarida ayaa waxaad ku arkeysaa baa la yiri gaadid laga sifeynayo shidaalka wasaqeysan oo haleeyay matoorada baabuurta.

Dadka shacabka ah, gaar ahaam kuwa wata baabuurta baasiinka ahku shaqeeyaya ayaa la leeyahay arrintan aad ayay u saameesay.

Wariye Axmad Cawil ayaa haddaba arrimntan kala sheekeystay Salmaan Aadan oo ah darawal iyo Aadan Nuur Aadan oo ah mulkiilaha garaash ku yaala magaalada Garoowe.