Qiimaha la kala siisto neefka ariga ee Godey oo cirka isku sii shareeray
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qiimaha la kala siisto neefka ariga ee Godey oo cirka isku sii shareeray

Magaalada Godey ee Dolwad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa cirka isku sii shareeraya qiimaha la kala siisto ariga nool, waxaana neefkka ariga ah uu hadda marayaa ku dhawaad 100 dollar.

Dadka deegaanka ayaa arrintan u aaneynayo abaaro dhawaan ku dhufatay deegaanka iyo dadka oo xoolahooda u iib geeya Hargeysa iyo Jigjiga.

Saameynta ugu weyn waxaa laga dareemayaa maqaaxiyaha ku yaal magaalada Godey oo aan lagaba aqoon hilib ari, waxaana arrintan la sheegay inay soo taagnayd muddo dhawr bilood ah.

Weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa la kulmay Xuseen Maxamuud Muxumad oo ah milkiilaha maqaaxi ku taala godey iyo qaar ka mdi ah macaamiishii ku xirnayd, waxa uuna ku hormarayaa Xuseen.