Falanqayn ku saabsan cayaarta Ingiriiska iyo Belgium

Harry Kane wuxuu dhaliyay Lix gool Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Harry Kane wuxuu dhaliyay Lix gool

Cayaarta galabta dhex mari doonto Ingiriiska iyo Belgium ayaa la filayaa in xulka guulaysto uu galo kaalinta saddexaad ee cayaaraha Koobka Adduunka si ay abaal marin u helaan.

Ingiirska iyo Belgium waxay wada dheelayaan sacaadda Afrikada bari marka ay tahay 5:00pm galabnimo.

Cayaaryahanka daafaca uga dheela xulka Belgium Thomas Meunier ayaa galabta ka qayb galaya cayaarta kaddib markii uu ganaax uga maqnaa ciyaartii nus dhammaadka ay la cayaareen xulka Faransiiska.

Tababaraha Belgium Roberto Martinez ayaa laga yaaba inuu isbaddallo la yimaado, balse weeraryahan Romelu Lukaku ayaa haysta labo gool halka Harry Kane oo u dheelo Ingriiska uu dhaliyay lix gool.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Lukaku wuxuu dhaliyay Koobka Adduunka

Waxayna dadaal ugu jiraan sidii loo hannan lahaa abaal marinta Kabaha dahabka ee uu qaato cayaaryahanka ugu gool dhalinta badan.

Wararka tartanka Koobka Adduunka

Macalinka xulka Ingiriiska Gareth Southgate ayaa sheegay inuu walaac ka muujinayo in cayaaryahan Kieran Trippier uu cayaari doono cayaarta galabta ka dib markii uu dhawaan ku dhaawacmay cayaartii ay isaga hor yimaadeen xulka Croatia.

Macalinka xulka Ingiriiska ayaa intaasi ku daray inuu doonayo inuu xulkiisa ku sameeyo isbaddalo ka hor cayaarta.