Wararkii ugu dambeeyey ee ciyaaraha

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption .

Waxaa xalay oo dhan ka socotay magaalooyinka waaweyn ee Faransiiska dabbaal-degyo lagu soo dhaweynayo xulka kubadda cagta dalkaasi ee ku guulaystay Koobka Adduunka.

Taageerayaasha ayaa isu soo baxyo ka dhigay magaalooyinka Paris, Lyon, Strasbourg iyo Rouen, in kastoo meelaha qaar ay rabshado isu rogeen damaashaadyadaasi.

Xulka Faransiiska ayaa la gudoonsiin doonaa abaalmarinta dalkaasi ugu saraysa ee loo yaqaan Legion d'Honneur.

Xiddiga Kubadda Cagta ee Cristiano Ronaldo ayaa uga mahadceliyay kooxda Juventus fursadda ay siisay, waxaana uu sheegay in ciyaartooyda da'diisa oo kale ah ay ka dheelaan naadiyada Shiinaha iyo Qatar.

33 jirkan Bortaqiiska u dhashay ayaa ugu wareegay kooxdaasi Talyaaniga ah ka dib markii ay ka bixisay lacag ku dhaw boqol milyan oo Gini.

Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in aanay jirin koox kale oo dalab usoo bandhigtay, waxaana uu sheegay inuu ku dedaali doono sidii uu Juventus uga caawin lahaa hanshada Koobka Horyaalka Yurub.

Ninkan oo dadka qaar ay ku tilmaamaan laacibka adduunka ayaa 9 sano oo u ciyaarayay Real Madrid waxa uu u dhaliyay 450 gool, asagoo kula guulaystay 4 horyaal oo Champions League ah iyo laba Laliga ah.

Laacibkii hore ee Argentina, Diego Maradona, ayaa gudoomiye u noqday kooxda Dynamo Brest ee ka dhisan dalka Belarus, taasoo uu la saxiixday qandaraas 3 sano ah.

Waxa uu sheegay inuu rajeynayo in madaxweynaha dalkaasi, Alexander Lukashenko, uu ka mid noqon doono taageerayaasha kooxdaasi.

Dynamo Brest ayaa laba sano ka hor waxaa musalafid ka badbaadiyay maalqabeen Imaaraati ah.

Maradona ayaa dhawaan ka tegi doonna shaqada tababarennimo ee uu ka hayo kooxda Al-Fujairah ee ka dhisan Isutagga Imaaraadka Carabta