Hay'adda waddooyinka Somaliland oo sheegtay inay dayactirayso waddooyin muhiim ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hay'adda waddooyinka Somaliland oo sheegtay inay dayactirayso waddooyin muhiim ah

Hay'adda u qaabilsan dhismaha iyo dayactirka waddooyinka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa waxa ay sheegtay inay haatan gacanta ku hayso dayactirka waddooyin muhiim ah oo isku xira magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Arrintan ayaa waxa ay timid kaddib markii qaar ka mid ah waddooyinkaasi ay jareen duufaanihii dhawaantan ka dhacayay Somaliland halka kuwa kalana ay sidooda u burbureen.

Dhanka kale waxaa Somaliland sanad walba ka dhaca shilal badan, kuwaas oo loo aanaynayo in waddooyinka burbursan ay qeyb ka qaateen, taas oo ay hay'addu doonayso inay yareyso.

Haddaba howsha ay wadaan ayaa waxaannu ka wareysannay maareyaha haya'dda waddooyinka Somaliland, Cismaan Sheekh Cabdi, oo u warramay wariye Cabdillahi Jaamac oo marka hore waydiiyay inuu bal sharaxo waddooyinka ay haatan dayactirka ka wadaan?