Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo BBC-da uga warramay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo BBC-da uga warramay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo dedaal ugu jirta sidii loo dhisi lahaa ciidamdada kala duwan ee dalka ayaa markii dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay timid xafiiska waxaa ay ballan qaaday in muddo 2 sano ah ay kaga adkaan doonto xarakada Al Shabaab.

Labadii sano ee ay dowladdau qabsatay waxaa imika aad moodaa in lagu dhawyahay, su'aashu se waxay tahay halkee ayay dowladdu wax garsiisay?

Haddaba Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa su'aalahaasi iyo kuwa kale ba hordhigay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Garowe.