Xiisad ka dhalatay doorashada Zimbabwe

.

Xigashada Sawirka, Reuters ,AFP

Qoraalka sawirka,

Xiisad ka dhalatay doorashada Zimbabwe

Xiisad ayaa ka taagan dalka Zimbabawe, halka oo mucaaradka dalkaasi ay shegteen inay ku guuleysteen doorashadii dalkaasi ka dhacday maalintii isniinta.

Inkastoo qeyb kamid ah codadkii la dhiibtay la tiriyay ilaa iyo imika, hadana boqolaal kamid ah taageerayaasha mucaaradka ayaa xiray wadooyinka caasimadda Harare, si ay ugu dabaal degaan sheegashada hogaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa ee ah inay ku guuleysteen doorashada.

Guddiga doorashada ee dalka Zimbabawe ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasada inay isdejiyaan.

Weriyaha BBC-da ee dalkaasi ayaa soo sheegeysa in xaaladan siyaasadeed ay khatar ku tahay xasiloonida wadankaasi.

Kumannaan goob joogayaal caalami ah ayaa goob jog u ahaa doorashada Zimbabawe, waxaana ay noqoneysaa doorashadii ugu horeesay ee ka dhacda dalka Zimbabwe ee uusan ka qeyb gelin madadxweynihii mudada dheer soo maamulayay dalkaasi, Robert Mugabe.

Loollanka ugu weyn doorashada Zimbabwe ayaa waxaa la saadaalinayaa inuu u dhaxeyn doonto madaxweynaha imika talada haya ee Emerson Manangagwa oo matala xisbiga talada haya ee Zanu PF, da'diisu na ay tahay oo 75 jir iyo Nelson Chamisa oo ah ninka hoggaamiyo xisbiga mucaaradka ee MDC oo 40 jir ah.