Maxkamad ku taala Turkiga oo diiday in la sii daayo baadari Mareykan ah

.
Image caption Andrew Brunson

Maxkamad ku taala dalka Turkiga ayaa ku gacan seertay codsi lagu doonayay in lagu sii daayo baadari Mareykan ah oo xabsi guri ay gelisay dowladda Turkiga.

Baadarigan oo lagu magacaabo Andrew Brunson ayaa lagu edeeyay inuu taageero u fidiyay kooxihii ka dambeeyay afgemibigii dhicisoobay ee 2016-ka ka dhacay dalka Turkiga, kaasi oo la doonayay in xilka lagaga tuuro madaxweynaha dalkaasi, Rajab Teyib Erdogan. Mr Brunson ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ugu hanjabay Turkiga in uu cunaqabteyn kusoo rogi doona, haddii aysan si shuruud la'aan ah kusii deynin baadariga.

Madaxda dalka Turkiga oo ka jawaabaya hadalka ka soo yeeray Trump ayaa sheegay in haddii Mareykanka uu ka firsan waayo hab dhaqankiisa uu lumin doono saaxiib dhab ah.