Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya BBC-da la hadlay

Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Axmed Cabdi Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay laanta af-soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu ka warramay qaabka loo doortay iyo waxa laga fili karo.

Doorashada madaxweynaha cusub ayaa timid, kadib markii uu xilka iska wareejiyay madaxweynihii hore ee deegaankaasi, Cabdi Maxamuud Cumar oo maalmahan ba wajahay cadaadis.

Haddaba madaxaweynaha cusub ayaa waxaa uu khadka taleefonka ee Jigjiga ugu warramay weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato.