Wararkii ugu dambeeyey ee ciyaaraha

Kepa Arrizabalaga Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kepa Arrizabalaga

Kooxda Chelsea ayaa lasoo wareegtay Kepa Arrizabalaga oo goolhaye u ahaa Athletic Bilbao, kaasoo ay kusoo iibsatay £71m, waa lacagtii ugu badneyd ee abid la siisto laacib booskaasi ka dheella.

Kepa, oo 23 jir ayaa qiima ahaan ka qaalisan Alisson oo ay todobaad ka hor Liverpool kula soo wareegtay £66.8m

Goolhayahan ayaa heshiis 7 sano ah la saxiixday Chelsea oo waxa uu booska kala wareegayaa Kootwaa oo la filayo inuu u wareeggo Real Madrid.

Waxaa caawa saqda dhexe xirmaya suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee England, balse waxaa kooxaha loo ogol yahay in ilaa dhammaadka bishan ay si amaah ah u kala qaataan ciyaartooyda.

Laacibiinta sida gaarka ah isha loogu hayo ayaa waxaa ka mid ah daafaca kooxda Leicester Harry Maguwaya oo ay si weyn u doonayso Manchester United.

Dhanka kale laacibkii hore ee Manchester United, Paul Scholes, ayaa ka dayriyay xaaladda kooxdaasi, waxaana uu sheegay in aanay xilli ciyaareedka furmaya la tartami karin kooxda ay isku magaaladda ka dhisan yihiin ee Manchester City.

Man United ayaa habeen dambe, waa habeenka Jimcaha ah, ciyaarta furitaanka ee xilli ciyaareedka cusub garoonka Old Trafford ku qaabili doonta kooxda Leicester City.