Diyaaradaha dagaalka xulufada Sucuudiga oo caruur ku laayey Yemen

Caruur dhaawac ah Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Caruur dhaawac ah

Tobannaan dhalaan ah ayaa lagu dilay oo lagu dhaawacay weerarro duqayn ah oo lala beegsaday bas dusgsi [oo ay ardayi saarreeyeen] isagoo marayey magaalo ku taal dhanka woqooyi ee fallaagadu gacanta ku hayaan.

Xogo la helay ayaa sheegaya in baabuurkaa ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka ee huwanta Sucuudigu hogaaminayo ee taageeraya xukuumadda Yemen ee dagaalka kula jirta fallaagada Xuutiyiinta.

Wararka midkood ayaa tibaaxay in ardaydaa dugsiga hoose dhiganaysay ay ka noqonayeen tamashle la geeyey markii weerarku qabsaday.

Hay'adda Laanqayrta Cas ayaa sheegtay in ugu yaraan sagaal iyo labaatan caruur ahi dhinteen.

Xulufada weerarka geysatay ayaa sheegtay in ay beegsanayeen mitidiin ay sheegtay in ay dhibaateeyaan rayidka, isla markaana ahaayeen weerarro lagaga falcelinayey gantaallo lagu weeraray koonfurta Sucuudiga oo hal qof ku dhintay.

Dhanka kale Isbitaalada magaalada Xudayda ayaa waxa ay maalmo ka hor codsanayaan deeq dhiig oo deg-deg ah. Hay'adda caalamiga ah ee Bisha Cas ayaa sheegtay in ay isbtilaalada u direeyso qalabka qalniinka si loo daweeyo 50 qof oo dhaawac culus ka soo gaartay duqeynta.

Dadka la laayay amaba la dhawacay ayaa waxaa u badnaa kaluumeeysatada deegaanka oo ku sugnaa suuqa kaluunka.

Inta badan dhawaaca ayaa waxaa la geeyay isbitaalka Al Thawra waxaana banaanka isbitaalka yaalay laba gaari oo ambalaas ah, oo ay waxyeello soo gaaratay waxa ayna taasi muujineysaa sida uu xitaa isbitalka ugu sigtay in ay dhibaato ka soo gaarto duqeynta.

Suuqa kaluunka ayaa aad ugu dhaw afka hore ee badda Xudayda. Intii uu socday dagaalka yemen Dekadda ayaa noqotay furin dagaal.

Lix toddobaad ka hor, xuladafda uu sacuudiga hoaamiyo ayaa dagaal culus ku qaaday dagaalyanada xutiyiinta eek u sugan magaalada Xudayda si ay gabi ahaanba uga nadiifiyaan magaalada.

Hay'adaha deeqbiyeyaasha ayaa ka digay in khash-khaad kasta oo ka dhaca magaalada dekedda ah ee Xudayda uu nolosha malaayin qof oo reer yemen ah cariiri galinayo.

Saddex sano iyo dheeraad ayuu dalka Yemen la daalaa dhacay dagaal sokooeye, kaas oo ay ugu yaraan ku dhinteen 10,000 oo qof, boqolkiiba 75 dakaasina waxa ay ahaayeen rayid. Waxaa sidoo kale dagaalka ku barakacay malaayin qof oo macluul qarka u saaran sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Mowduucyada la xiriira