Dhalinyaro isutagtay oo Wajeer ka bilaabay barnaamij ay dadka ku wacyigelinayaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhalinyaro isutagtay oo Wajeer ka bilaabay barnaamij ay dadka ku wacyigelinayaan

Dhalinyaro isutagtay ayaa waxa ay magaalada Wajeer ee dalka Kenya ka bilaabeen barnaamij muuqaal ah oo soconaya min 15 daqiiqa ah oo kubaxaya Afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga.

Barnaamijkan oo ay dhalinyaradu u bixiyeen Alfa TV ayaa waxa ay ku sheegeen inay uga gol leeyihiin sidii ay dadka deegaankaasi ku nool ugu soo gudbin lahaayeen warbixinnada noloshooda tooska u taabanaya, iyo sidii ay wax uga badeli lahaayeen xaaladaha bani'aadanimo ee ka jira dhulkooda.

Faysal Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay dhalinyaradaas aasaastay barnaamijkaasi, waxa uu ku rajo-weyn yahay inay ka guul gaari doonaan howshan ay bilaabeen ee aanay jirin cid ku taageerta, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Ciise Xaaji Cabdulle.