Wariyaha BBC-da Cabdinaasir Saxansoxo oo ka sheekeynaya dalxiiskiisii Muqdisho

Koox dhallinyaro ah oo uu ka mid yahay wariye Saxansoxo
Image caption Koox dhallinyaro ah oo uu ka mid yahay wariye Saxansoxo

Maanta waxa ay ku beeggantahay maalinta dalxiiska Adduunka, meelaha laga xusayana waxaa ka mid ah dalka Soomaaliya, balse waxaa la'isweeydiin karaa sidee dalxiis suurtogal uga yahay Soomaaliya?.

Waa ay adagtahay in si sahlan looga jawaabo weeydiintaas, xitaa dadka ku nool gudaha dalka oo iyagu muddo dheer indhahooda aysan arag wax ay ku diirsadaan, kuna adagtahay in ay durba dareemaan isbadalka.

Dhawaan ayaan fasax ku tagay Soomaaliya, meelihii aan tagayna waxaa ugu muhiimsanaa magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho, inkasta oo waqtiga ugu badan aan ku qaatay Muqdisho.

Maadaamaa aan muddo 2 sano ku dhow mooganaa Soomaaliya, aniga oo ku noolaa Nairobi, Kenya, wax kasta oo aan arko wax ay ii ahaayeen wax ugub ah, oo dhedhen iyo nuxur gaar ah ii leh, balse ma doonayo in aan ka badbadiyo.

Waxaan meel surey xirfadaydii wariyenimada, waxaan xirtay ookiyaal qof caadi ah oo dalka ku cusub, una kuurgalaya xaaladda dhulka ka jirta ee rasmiga ah.

Waxyaabaha aadka iisoo jiitay ma ahan ku habboonaanta dalxiiska ee Soomaaliya, ee waa sida uu aadka ugu sii kordhayo wacyiga dadka gudaha muhiimadda uu noloshooda u leeyahay dalxiiska iyo saameynta wanaagsan ee caafimaadka maskaxda iyo kan jirka ee uu dalkiisa leeyahay.

Xitaa dadka maalgashiga ku sameeyay gudaha dalka sida Maama Shariifo oo Hotelka Casriga ah ee Xaawo Taako ka furtay meel u dhow madxafka qaranka oo aan anigu degenaa intii aan Xamar joogay waxay ay markasta igala sheekeysanaysay sidii ay u jeclaan lahayd in goobo waaweyn oo dalxiis ka hirgaliso Xamar iyo Kismaayo. "Dhallinyarada waxa ay u baahanyihiin meelo badan oo ay ku dalxiisaan, lehna adeegyadii loo baahnaa" ayay igu tiri.

Waxaan la kulmay dhallinyaro tiro badan oo kooxo kooxo ah, rag iyo dumarna isugu jira oo u abaabulan sidii ay gudaha dalka ugu dalxiisi lahaayeen.

Si aan wax badan u ogaado, ayaan raacay koox dhallinyaro ah oo asxaabtayda ah, kuwaas si gaar ah iigu fidiyay casuumaad ay igu dalxiis geynayaan xeebta Jazeera ee gobolka Shabeelaha Hoose, magaalada Muqdishina u jirta hillaada 30 kiilo mitiri.

Dalxiiskan waxaa horboodayay saaxiibaday kala ah Najiib Suldaan Cabdullaahi, Cabdifataax Xareed iyo Maxamed Cali Barroow, wuxuuna dalxiiskan aad uga duwanaa dhammaan kuwii aan horey ugu galay gudaha dalka.

Aroortii ayaan jarmaadnay, una qalab qaadanay dhanka xeebta Jazeera inaga oo wadana 3 gaadiid, waxaan sii qaadanay wax kasta oo suurtogal ah , waxaa ka mid ah hilib digaag, qudaar, cabbitaan, qare, iyo xitaa burjiko bir ka samaysan oo loogu talogalay in hilibka lagu dubo.

Dalxiiska Gudaha

Dalxiis marka aad maqasho waxaa laga yaabaa ay kugu soo dhacdo in dibedda uun loo dalxiis tagi karo amaba dad ajaaniib ah ay gudaha dalka usoo dalxiis tagaan, balse xaalku sidaas ma ahan halkan.

Maadaamaa ay ahayd maalin jimce ah waxaa xeebta Jezeera yimid dad aad u tiro badan oo reer Muqdisho ah, kuwaas oo ay sanadihii dhawaa caado u noqotay in maalinta fasaxa shaqada todobaadka ay u nasiino tagaan xeebaha gobolka Banaadir iyo kuwa Shabeelaha Hoose ee caasimadda u dhow.

Image caption Labo dhalinyaro ah oo tinta ku qooshtay carrada si cajiib ah

Inkasta oo aysan badankood u diyaarsanayn sidii kooxdeena ay usoo diyaargaroobeen, haddane maaliintii oo dhan ayay meesha ku qaateen illaa gabalka uu ugu dumay.

Waxaa ka mid ah labbadan dhallinyarada ah ee aan la sawiranahay, kuwaas oo aad arki kartaan jacaylka xad dhaafka ah ee ay u hayaan xeebta illaa heer ciidda ay madaxa ku dhoobteen.

Xeebta waxaa ka abuurmay ganacsiyo yaryar, gaar ahaan dumarka dadka deegaanka oo ku iibiya cunnooyinka fudud sida sanbuuska, bajiyaha, burka iyo cabbitaanada. Raashiinkan waa raqiis, wuxuuna sahay u yahay dadka danyarta ah ee maalintii oo dhan doonaya in ay waqtigooda xeebta ku qaataan.

Image caption Wariye Saxansoxo oo saaran doonta dalxiiska

Ganacsiyada kale waxaa ka mid ah doomaha dalxiiska oo halkii mar oo koox dad ah laga qaadayo illaa $7 doolar.

Dabeel caafimaad

Image caption Dhallinyarada oo dalxiis u baxday

Waxaa laga yaabaa in dadka oo dhan aysan isku si u wada dareemin, balse mar kasta oo aan xeeb booqdo, waxaan dareemaa caafimaad maskaxeed iyo mid jir ahaaneed, waxaanan is moodaa in aan xuub-siibtay oo kale.

Wax kasta oo daal iyo buuq maskaxeed oo qofka haya, wax kasta oo culees iyo walwal maanka ka haya waxa uu dhaafaa islamarka ay ku dhacdo dabeesha badda ee nadiifka ah, taas oo malaha sii dhex xusha hab-neefsiga jirka, kadibna u duxda hal-bowlayaasha dhiigga oo ku shaqeeya maaddada oxygen-ta.

Waa nooc ka mid ah tiiraanyo-bixinta, waana goob qofka naftiisa uu kula sheekeysan karo, isaga oo muddo saacado ah iska hilmaamaya mashaakilkii kale ee nolosha ka haystay.

Marka laga tago ciyaarihii kala duwanaa ee aan xeebta ku qabsanay, iyo dabaashii, waxaan maalinkii oo dhan daawanayay hirarka badda, kuwaasi oo aysan marnaba isha ka daalaynin.

Meelaha kale ee loo dalxiis tago

Image caption Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo ka nasanaya siyaasadda

Shacabka oo kaliya ma ahan kuwa dalxiiska ku baraarugsan ee xitaa madaxda dalka ayaan ka marnayayn, markii aan joogay magaalada Kismaayo waxaan ku hagaagay shirkii dowlad goboleedyada ee halkaas ka socday horraantii bishan.

Shanta madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa isu raacay deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo, halkaas oo ay isaga daraan webiga Jubba iyo badweynta Hindiya, ahna goob dalxiis oo aad usoo caan baxaysa.

Sawirro lagu faafiyay bogga madaxtooyadda Jubbaland ayaa muujinayay madaxweynayaasha oo qare (xab-xab) cunaya, kana nasanaya wadahaladii siyaasadda.

Saaxiibkay Najiib Cabdullaahi oo dalxiiskii Muqdisho igu weheliyay wuxuu iiga sheekeeyay in dhawr jeer dalxiis isaga iyo dhallinyaro kale u tageen buurta Daallo dusheeda ee gobolada Waqooyi. "Waa meel naacoow qaboow ay ka jirto, naftana ku xasilayso" ayuu yiri Najiib.

Cabdifataax Xareed ayaa sidoo kale iiga sheekeeyay mucjisooyinka dalxiiska ee degmada Warsheekh ee ah degmo ka tirsan Shabeelada Dhexe, balse u dhow caasimadda "Xitaa maamulka degmada ayaa jecel dadka soo booqanaya degmada, waana degmada kaliya ee laga mamnuucay jarista dhirta si dhuxul looga samaysto" ayuu yiri Cabdifataax oo u ololeeya arrimaha deegaanka.

Gobolka Banaadir oo dalxiiska intiisa badan uu ka dhoco ayaa waxa ay leeyahay waax u qaabilsan arrimaha dalxiiska, waxaana agaasima ka ah Cabdifataax Maxamuud Siyaad (Arizona) , waxaanan ka qeybgalay barnaamij ay waaxdan taabbo-galisay oo lagu qabtay Hotel Pizza House ee Muqdisho.

Lahaanshaha sawirka Kulmis
Image caption Madashii Kulmis ee Muqdisho oo abaalmarino laga bixinayo

Waxaa aad iisoo jiitay qaabka loosoo agaasimay munaasabadda oo ay qabteen dhallinta Kulmis, qof kasta waxaa laga rabay in uu soo xirto dharka hiddaha iyo dhaqanka, cuntadana waxa ay ahayd cambuulo iyo digiri oo lagu daray macsaro.

Waxaa halkan ka muuqata in hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliga ah la doonayo in uu qeyb ka noqdo waxyaabaha loo dalxiis tagayo sida uu Arizona qabo.

Waxaa sidoo kale goobta lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, dadkii ciyaarta waalada si cajiibka u ciyaarayna waxaa ka mid ah saaxiibkeey Maxamed Cali Barroow sida aad sawirkan ka arki kartaan.

Lahaanshaha sawirka Kulmis
Image caption Saaxiibkay Maxamed Barroow iyo Abwaan Cabdi oo waallo ciyaaraya

BBC-da ayaa Cabdifataax Arizona wax ka weeydiisay adeegyada ay u fidiyaan dadka xeebaha Banaadir ku dalxiisa, wuxuuna yiri "Waxaa jirta unug ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya oo xeebaha qaabilsan, dadkana suga amnigooda, waxaan sidoo kale leenahay labo doonyood oo aan kusoo badbaadino haddii ay dad ku haftaan biyaha".

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo uu wehliyo agaasimihiisa dalxiiska ayaa isaga qudhiisa waqti damaashaad ah dad dhallinyaro u badan kula qaatay xeebta Liido, halkaas oo sidoo kale laga tumay heesaha qaaciga ah ee laga tumo kabanka.

Aan kusoo laabtee dalxiiskeygii xeebta Jazeera, markii ay maalinta dhammaatay waxaan xeebta ka uruurinay wax allaale wixii qashin iyo haraa ahaa raashiinkii aan karsanay, caagadihii aan biyaha ka dhamaysanay, iyo dhuxushii aan isticmaalnay.

Image caption Cabdifataax Xareed oo ah nin arrimaha deegaanka u ololeeya

"Waa mas'uuliyadda laga doonayo qof kasta haddii aan rabno in xeebo nadiif ah aan ku dalxiisno" ayuu yiri saaxiibkay Cabdifataax Xareed, hadalkan waxa uu ahaa malaha casharkii ugu weynaa ee aan soo kororsaday.