Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxyadii Muqdisho ka dhacay galabta

. Lahaanshaha sawirka Social Media
Image caption .

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadii goorta dhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaanay dad goob joog ahi u xaqiijiyeen BBC-da in ugu yaraan labaatan qof ku dhinteen qarxyadaa. Qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho saacado ka hor ayaa waxa tirada dadka ku dhintay ay gaadhaysaa ugu yaraan labaatan qof, sidaana waxa BBC-da u xaqiijiyey dad goob joog ahaa.

Dhanka kale, Ambalaaska Aamin ayaa iyaguna waxay sheegeen in ay 45 qof oo dhaawac ah geeyeen isbitaallada magaalada.

Qaraxyada midkood ayaa la sheegayaa in gaarigii siday uu ku dhuftay Hotel Saxafi oo hore loo weeraray.

Qarax kale ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.

Hotel Saxafi dhabarkiisa waddo yar oo marta ayaa la sheegayaa in uu qaraxa seddexaad oo isna gaari saarnaa uu ka dhacay.

Waa markii ugu horraysay ee seddex gaari oo qaraxyo sida mar qura lagu weeraro goob ku taalla Muqdisho.