Qadaadiic badbaadisay nolosha askari ku jiray Dagaalkii Kooobaad ee dunida

Qadaadiidcdii askariga xabadda ka celisay Lahaanshaha sawirka VINCENT BUYSSENS
Image caption Qadaadiidcdii askariga xabadda ka celisay

Qadaadiicdani waxay halis geliyeen hadana badbaadiyeen nolosha nin askari ahaa markii Dagaalkii Koobaad ee dunidu socday.

Waxa la toogtay "markii la maqlay sanqadhooda oo ka soo baxaysa jeebka shaadhkiisa, xabaddii ku dhacday ee uu u dhiman lahaa ayaa qadaadiicdaas oo is dul tuulayd weecisay"

Optatius Buyssen wiil uu awoow labaad u yahay ayaa sawirrada qadaadiicdaas ku baahiyey website-ka Reddit waxaana 24 saacadood gudahood ku muujiyey in ay la dhacsanyihiin 130,000 oo qof.

67 erey oo sababay qarni kala qeybsanaan ah

Dagaal ka dhacay magaalada Xudeydah ee dalka Yamen

Lahaanshaha sawirka VINCENT BUYSSENS
Image caption Optatius Buyssens wuxuu galay Dagaalkii Koobaad ee dunida

Sawir sidaas oo kale loola dhacay beryahaa kumuu baahin website-kaa ninkaa 28 jirka ah ee degan magaalada Antwerp.

"Asarigii Jarmalka ahaa ee madaxa ka toogtay ayaa madaxa ka laagay, dabeetana intuu khiyaameeyey ayuu iska dhigay inuu dhintay" ayuu yidhi Vincent.

"Markuu askarigii Jarmalka ahaa tagay, ayaa isaga iyo nin kale oo dhaawacmay oo saaxiibkii ahi gurguurteen oo baxsadeen"

Optatius wuxu qabay cudur marka hore lagaga reebay in uu ciidanka Belgium-ka ku biiro.

Laakiin ugu dambaystii waxa u suurto gashay inuu si mutadawacnimo ah ugu biiro, laakiin waxa lagu toogtay magaalada Lebbeke ee dalka Belgium 26 Sibteember 1914, sida uu sheegay Vincent aabihii oo ah wiil Optatius uu awoow u ahaa oo la yidhaa Philippe.

Lahaanshaha sawirka VINCENT BUYSSENS
Image caption Qadaadiicdii askariga xabadda ka celisay

"Saddex ka mid ah qadaadiicdu waxay ahaayeen lacagta Belgium saddex kalena waxay ahaayeen lacagta Faransiiska" ayuu yidhi Phillippe.

Markii dagaalku dhamaaday, Optatius waxa ku dhacay wadne xanuun oo waxa uu noolaa ilaa 1958-kii.

Mowduucyada la xiriira