Maxaa sababay in dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Wajeer ay ka natiijo wanaagsanaadaan kuwa dowladda?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Wajeer oo ka natiijo wanaagsanaadaan kuwa dowladda

Markale ayey dugsiyada hoose dhexe ee sida gaarka ah loo leeyahay ee Kenya ay natiijo ahaan si weyn uga hormareen dugsiyada ay maamusho dowladda.

Talaadadii ayey aheyd markii la shaaciyay natiijooyinka imtixaanaadka dugsiyada hoose dhexe.

Hoos u dhaca natiijooyinka ay heleen ardayda wax ka barata dugsiyada ay dowladda maamusho ayaa waxaa loo aanaynayaa macallimiinta oo aad ugu yar iskuulladaasi iyo fasallada oo buux dhaafa.

Haddaba sidee looga gudbi karaa caqabadahaas? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaannu waydiinnay Nuur Maxamed Bardaf, Xoghayaha Ururka ay ku midaysan yihiin Macalimiinta Kenya qeybtiisa Wajeer, waxa uu u warramay Bashkas Jugsodhacay.