Muxuu salka ku hayaa safarka Maxamed Bin Salmaan ee dalalka Carabta?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dalalkii uu horay ee u soo maray sida Imaaraadka iyo Masar ayaa aad looga soo dhaweeyay

Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa booqashadiisii u horraysay ee dibadda ah ku maraya dalal Carbeed, tan iyo markii ay soo baxday fadeexaddii dilka Jamaal Khashoqji.

Dalalkii uu horay u soo maray sida Imaaraadka iyo Masar ayaa aad looga soo dhaweeyay, balse waxaa jira shacab carbeed oo dhigay mudaaharaad ay ku diidan yihiin booqashada Amiirka.

Haddaba booqashadan maxay uga dhigan tahay amiirka, mustaqbalkiisuse waa sidee?.

Arrimahaas waxaa inoo faaqidaya Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo khadka taleefanka ugu warramay Xassan Heybe.