Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay rag looga shakisanyahay weerarkii Saxafi

.
Image caption Sawir Hore

Dowladda federaalka ee soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay rag lagu tuhmayo inay ka dambeyeen weerarkii dhawaan lagu qaaday hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Hey'adda NISA oo qoraal kooban soo dhigay Twitter ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada dowladda ay ku soo qabteen soo nin ay dwoladdu ku sheegtay inuu ka dambeeyay weerarkii Hotel Saxafi.

"Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar. Waxaana la horgayn doonaa sharciga"ayaa Lagu yiri War Qoraal ah oo la soo dhigay barta NISA ee Twitter-ka.

Mowduucyada la xiriira