Baarlamaanka Soomaaliya oo muran uu soo kala dhexgalay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo muran uu soo kala dhexgalay

Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inaanu la shaqeyn karin Golaha Shacabka ee dalka oo uu ku eedeeyay arimo ay ka mid yihiin inuu hareer maray habraaca dastuurka ee meelmarinta sharciga xisaab xirka, iyo wada shaqeyn la'aan ku aaddan xiriirka dibedda ee baarlamaanka federalka.

Qoraal uu soo saaray guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare isla markaana uu ku sixiixnaa gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu soo farageliyo arinta isla markaana uu wax ka qabto cabashadooda.

Hadaba khilaafkaasi labada aqal ee baarlamaanka iyo waxa sababay ayaa Senator Maxamed-Aamiin Sheekh Cismaan oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca iyo amniga ee aqalka sare waxa uu uga warramay weriyaha BBC Xasan Cali Geelle.