Maxaa dib loogu dhigay shaciinta natiijada doorashada Koongo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa dib loogu dhigay shaciinta natiijada doorashada Koongo

Iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada lagu doonayo in lagu shaaciyo natiijada doorashadii madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ka dhacday, ayaa saraakiishu sheegeen in aan [maanta oo] Axad ah lagu dhawaaqayn.

Gudoomiyaha gudida doorashooyinka ayaa sheegay in sababtu tahay iyada oo kala badh in ka yar waraaqihii codadka lagu dhiibtay ay soo gaadheen xarunta.

Hadaba Dr Ibrahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arimaha siyaasadda ayaan wax ka weydiiyey farsame ahaanta mooyee waxa kale ee dib u dhaca keenay?